Wasaaradda Qorsheynta oo Ka Qeyb Gashay Qorshaha Maalgashiga Webiga Shabeelle

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Mudane Cabdifaatax Cabdulqaadir Faarax, ayaa ka qeyb galay kulan wadatashi ah oo looga hadlayay Qorshaha Maalgashiga Khayraadka Biyaha ee Webiga Shabeelle.

Kulanka oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha ayaa diiradda lagu saaray maalgashiyada istiraatiijiga ah ee Webiga Shabeelle, gaar ahaan Mashruuca Kaydinta Biyaha ee Jowhar (JOSP), maaraynta khayraadka biyaha, horumarinta wax-soo-saarka beeraha iyo xoojinta u adkeysiga bulshada ee saameynta isbeddelka cimilada.

Agaasimaha Guud oo ka hadlay furitaanka kulanka ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in maalgashiyada ku saabsan Webiga Shabeelle lagu waafajiyo Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP 2025–2029) iyo mudnaanta horumarineed ee dalka.

Waxa uu sheegay in qorsheynta iyo maalgashiga khayraadka Webiga Shabeelle ay door muhiim ah ka qaadan karaan xoojinta sugnaanta cuntada, horumarinta nolol-maalmeedka bulshada iyo xaqiijinta horumar waara.

Webiga Shabeelle ayaa laf-dhabar u ah wax-soo-saarka beeraha iyo dhaqaalaha Soomaaliya, iyadoo khayraadkiisa biyuhu muhiim u yihiin nolosha malaayiin Soomaali ah. Sidaas darteed, qorsheynta maalgashiyada ku saabsan webiga ayaa muhiim u ah horumarinta beeraha, sugnaanta cuntada iyo kobaca dhaqaalaha dalka.