Wasaaradda Qorsheynta Soomaaliya oo Muqdisho ku Qabatay Kulanka Golaha Horumarinta Qaranka

Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta magaalada Muqdisho ku qabatay kulan wadatashi ah oo ay isugu yimaadeen xubnaha Golaha Horumarinta Qaranka, oo ay ku mideysan yihiin Wasiirka Qorsheynta ee Dowladda Federaalka iyo Wasiirrada Qorsheynta ee Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka iyo Maamulka Gobolka Banaadir.
Shirkan oo ahaa mid heer sare ah ayna soo agaasintay Waaxda Qorsheynta Qaran ee Wasaaradda ayaa diiradda lagu saaray mideynta aragtida guud ee qorsheynta qaranka, dejinta mudnaanta horumarineed, iyo dardargelinta hirgelinta qorshayaasha istiraatiijiga ah ee dalka. Waxaa sidoo kale xoogga la saaray xoojinta wada-shaqeynta u dhexeysa heerarka kala duwan ee dowladda, iyo isku-duwidda jawaabaha ku aaddan xaaladaha degdegga ah ee dalka ka jira.
Kulanka waxaa si rasmi ah u furay Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Mudane Xildhibaan Maxamuud Cabdiraxman Sheekh Faarax (Beenebeene), oo adkeeyay muhiimadda dhismaha nidaam mideysan oo hagaya qorsheynta qaranka, iyo dardargelinta fulinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka (QIQ 2025–2029).
Intii uu socday kulanka, waxaa khudbado muhiim ah ka jeediyay Wasiirrada Qorsheynta ee Dowlad Goboleedyada, oo kala ahaa Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Galmudug Mudane Cabdiraxman Axmed Xayle, Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdixakiim Maxamed Fiqi, Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Hirshabelle Eng. Maxamuud Cabdi Cali, Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Waqooyi Bari Mudane Cali Warsame Cismaan, waxa ayna soo bandhigeen xaaladaha horumarineed ee deegaanadooda, fursadaha jira, caqabadaha taagan, iyo mudnaanta sanadka soo socda.
Shirka waxaa lagu soo bandhigay warbixin ku saabsan siyaasada iyo istaraatejiyada hirgelinta Qorshaha Isbedela Qaranka, maalgaelinta, Kormeerka iyo Qiimeynta iyo horumarka laga sameeyay hirgelinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka, kuwaas oo ay diyaariyeen waaxyaha kala duwan ee Wasaaradda.
Qodobada Muhiimka ah ee ka soo baxay Shirka:
1. In la dardargeliyo hirgelinta Qorshaha Qaranka iyadoo la xoojinayo isla xisaabtanka iyo Isla xisaabtanka.
2. In la mideeyo qorsheynta, xog-wadaagga, iyo warbixinta u dhexeysa Dowladda Federaalka, Dowlad-goboleedyada, iyo Maamulka Gobolka Banaadir.
3. In mudnaan gaar ah la siiyo arrimaha cuntada, nafaqada, iyo xaaladaha bani’aadannimo.
4. In la xoojiyo isku-duwidda bah-wadaagta caalamiga ah, gaar ahaan isku-waafajinta Qorshaha Qaranka iyo UNSDCF.
5. In la kordhiyo dadaallada abaabulka kheyraadka gudaha iyo dibadda si loo xaqiijiyo xalal waara.
Gabagabadii Wasiirka Qorsheynta ayaa soo xiray shirka, waxa uuna adkeeyay in Wasaaraddu sii laba jibbaari doonto dadaallada lagu xoojinayo wada-shaqeynta u dhexeysa Dowladda Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, si loo xaqiijiyo hirgelinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka, loona gaaro horumar waara oo si siman uga faa’iideysta dhammaan bulshada Soomaaliyeed.