Wasaaradda Qoyska, Horumarinta iyo Xuquuqul Insaanka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo kaashanaysa Urur-goboleedka IGAD, ayaa magaalada Muqdisho ka daahfurtay tababar muhiim ah oo diiradda lagu saarayo xoojinta doorka haweenka ee geeddi-socodka nabad-dhiska iyo dib-u-heshiisiinta Soomaaliya.
Tababarkan oo socon doona muddo saddex maalmood ah ayaa waxaa ka qayb galaya wakiillo ka socda ururrada bulshada rayidka ah, masuuliyiin ka tirsan hay’adaha dowladda, culumaa’udiin, odayaal dhaqameed iyo qeybaha kale ee bulshada. Ujeeddada tababarka ayaa ah in la kordhiyo ka qaybgalka haweenka ee dadaallada lagu xallinayo khilaafaadka, dib-u-heshiisiinta iyo dhismaha nabad waarta oo dalka ka hirgasha.
Mudada uu tababarku socdo, ka qaybgalayaashu waxay yeelan doonaan dooddo iyo isweydaarsi ku saabsan caqabadaha hortaagan ka qaybgalka haweenka ee arrimaha nabadda, iyagoo sidoo kale wadaagi doona khibrado iyo talooyin wax ku ool ah oo lagu horumarin karo kaalinta haweenka ee hoggaaminta bulshada, xalinta khilaafaadka iyo horumarinta wada noolaanshaha bulshada Soomaaliyeed.
Mas’uuliyiinta qabanqaabisay tababarka ayaa tilmaamay in haweenku yihiin laf-dhabarta bulshada Soomaaliyeed, isla markaana ay door muhiim ah ka qaataan dib-u-dhiska bulshada, ilaalinta wadajirka qoysaska iyo horumarinta nabadda. Sidaas darteed, waxaa lagama maarmaan ah in codkooda iyo kaalintooda lagu daro dhammaan geeddi-socodyada la xiriira nabadeynta iyo horumarinta dalka.
Tababarkan ayaa qayb ka ah Mashruuca Dhisidda Adkeysiga Dhaqaale ee Haweenka iyo Nabad-dhiska (BWERSP), oo laga fulinayo dalal xubno ka ah Urur-goboleedka IGAD. Mashruucu wuxuu isku xiraa xoojinta awoodda dhaqaale ee haweenka iyo kobcinta kaalintooda nabad-dhiska, iyadoo la aaminsan yahay in haween awood leh ay si weyn uga qayb qaadan karaan xasilloonida iyo horumarka bulshooyinka.
Mashruuca waxaa maalgelinaya Bangiga Horumarinta Afrika (AfDB), halka hirgelinta tababarka ay iska kaashadeen Xafiiska IGAD ee Soomaaliya iyo Wasaaradda Qoyska, Horumarinta iyo Xuquuqul Insaanka Soomaaliya.
Ugu dambeyn, tababarkan ayaa la filayaa inuu sare u qaado wacyiga iyo awoodda ka qaybgalayaasha, isla markaana uu gacan ka geysto sidii haweenka Soomaaliyeed ay u yeelan lahaayeen door muuqda oo wax ku ool ah oo ku aaddan dhismaha nabad waarta, xasillooni siyaasadeed iyo horumar loo wada siman yahay.