Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta magaalada Muqdisho ku qabatay munaasabad weyn oo lagu daah-furay Sharciga Shaqada Soomaaliya (LR-36-2024), kaas oo Wasaaraddu si gaar ah u soo diyaarisay, waxaana munaasabadda ka soo qayb galay Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, qaar kamid ah Wasiirrada Wasaaradaha Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Dowlad Goboleedyada, hoggaanka Rugta Ganacsiga, Ururrada Shaqaalaha, iyo marti sharaf kale.
Sharcigan cusub ayaa Soomaaliya ka dib 53 sano dib ugu soo celiyay shuruuc casri ah oo dhanka shaqada ah, iyadoo markii ugu dambeysay dib-u-habeyn lagu sameeyay sanadkii 1972, kaas oo isna ka dambeeyay sharcigii 1969-kii. Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee XFS, Mudane Saalim Caliyow Ibrow, ayaa si rasmi ah u daah-furay sharcigan maanta, isagoo sheegay inuu yahay talaabo muhiim ah oo dowladda Soomaaliya ay ku xaqiijinayso xuquuqda shaqaalaha iyo shaqo-bixiyeyaasha, sidoo kalena ka qeyb qaadanaysa horumarinta dhaqaalaha dalka.
Sharciga Shaqada Soomaaliya ee LR-36-2024 waxa uu ka diiwaan-gashan yahay sharciyada Ururka Shaqaalaha Adduunka (ILO), Ururka Dalalka Carabta, iyo Midowga Afrika, taasoo ka dhigaysa mid waafaqsan heerarka caalamiga ah ee xuquuqda shaqaalaha iyo nidaamka shaqo. Wasiirka Shaqada ayaa intaa ku daray in sharcigan cusub uu fursad siinayo in la xoojiyo wada-shaqeynta dowladda, shaqaalaha, iyo ganacsatada, isla markaana kor loogu qaado jawiga shaqo iyo maalgashi ee dalka.
Munaasabadda ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray muhiimadda ay leedahay ilaalinta xuquuqda shaqaalaha, dhiirrigelinta shaqo-abuurka, iyo horumarinta dhaqaalaha dalka, iyadoo la tixgelinayo dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan xasilinta shaqooyinka, tayeynta xirfadaha shaqaalaha, iyo hubinta in jawi shaqo oo cadaalad ah uu ka jiro guud ahaan dalka.
Sharcigan cusub ee Shaqada Soomaaliya wuxuu astaan u yahay dadaalka dowladda ee lagu gaarsiinayo heer caalami ah xuquuqda shaqaalaha, iyadoo la xoojinayo nidaamka sharci ee shaqo, lana hubinayo in Soomaaliya ay la jaanqaado horumarka caalamiga ah ee dhinacyada shaqada, ganacsiga, iyo xuquuqda aadanaha.