Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in maalinta Arbacada, 01-da Luulyo 2026, ay tahay fasax qaran, iyadoo lagu maamuusayo munaasabadda Maalinta Xorriyadda iyo Midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Wasaaraddu waxay wargelinaysaa dhammaan hay’adaha Dowladda Federaalka, dowlad-goboleedyada, hay’adaha aan dowliga ahayn (NGO-yada), hay’adaha gaarka loo leeyahay iyo guud ahaan shaqaalaha Soomaaliyeed in maalintaas ay tahay maalin fasax rasmi ah oo dalka oo dhan laga xusayo.
Maalinta 1-da Luulyo waa maalin taariikhi ah oo ku weyn shacabka Soomaaliyeed, maadaama ay ku asteysan tahay midowgii Gobolladii Waqooyi iyo Koonfur ee Soomaaliya sanadkii 1960-kii, kaas oo horseeday dhismaha Jamhuuriyadda Soomaaliya. Sidoo kale, waa maalin lagu xuso halgankii gobannimo-doonka iyo dadaalladii geesiyaashii Soomaaliyeed ee u soo halgamay xorriyadda iyo midnimada dalka.
Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada waxay ugu baaqday dhammaan shacabka Soomaaliyeed inay maalintan qaran u dabaaldegaan si nabad ah, iyagoo xoojinaya dareenka waddaniyadda, midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed.
Ugu dambeyn, Wasaaraddu waxay u hambalyeysay dhammaan shacabka Soomaaliyeed munaasabadda Maalinta Xorriyadda iyo Midnimada, iyadoo u rajeysay in sannadkan uu noqdo mid Soomaaliya u horseeda nabad waarta, horumar iyo isku duubni qaran.