Wasaaradda Warfaafinta oo lacagtii ay qaban jirtay ku wareejisay W/Maaliyadda

Wasaaradda Warfaafinta xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah waxa ay Wasaaradda Maaliyadda ugu wareejisay lacagihii ay qaban jirtay, taasi oo qaab casri ah looga qaadayo.

Munaasabad kooban oo ka dhacday xarunta Wasaaradda Warfaafinta ayaa waxaa goob joog ka ahaa Wasaaradda Warfaafinta xukuumadda federaalka Soomaaliya Sheekh Daahir Maxamuud Geelle, Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda C/laahi Sheekh Cali Ibraahim (Qaloocow) iyo masuuliyiin kale.

Wasiirka Warfaafinta Daahir Maxamuud Geelle ayaa waxa uu sheegay in ay muhiim tahay in la mideeyo hanaanka maamulka daqliga, taasi oo ujeedadu ay tahay in la gaaro hufnaan maaliyadeed oo dalka uu yeesho.

“Waxaa sharaf inoo ah in ay noo suurowdo inaan meel marino, go’aankii Golaha Wasiirada ee ku aadanaa in qasnad uu daqliga dowladda uu ku soo dhaco, meel la wada ogyahayna uu uga baxo, annaga oo taasi u hoggaansameyna waxaan sameynay daqliyada yar yarka ah ee Wasaaradda soo gala inaan si dhameystiran aan ugu wareejino Wasaaradda Maaliyadda.” Ayuu yiri Wasiir Geelle.

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda federaalka Soomaaliya C/laahi Sheekh Cali Ibraahim (Qaloocow) ayaa sheegay hanaankan Maaliyadeed inuu damaanad qaadayo in si hufan loo maamulo daqliga dowladda.

Barnaamijkan lagu aruurinayo canshuuraha dalka ayaa qeyb muhiim ah ka qaadanaya la socodka canshuurta dalka, Wasaaradda Warfaafinta ayaa arrintan ku tilmaamtay mid muujineysa horusocodka dowladnimada.