Wasaaradda Waxbarashada iyo Booliiska Soomaaliyeed Oo Ka Shiray Sugidda Amniga Imtixaanka Qaranka

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa shir-guddoomisay kulan muhiim ah oo ay wada yeesheen masuuliyiinta Wasaaradda iyo Taliska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, kaas oo diiradda lagu saaray doorka ay laamaha amniga ka qaadanayaan sugidda amniga iyo hubinta habsami-u-socodka Imtixaanka Qaranka ee sanadkan.

Kulanka ayaa waxaa ka qeyb galay Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada, Somali Police Force, Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, Taliyaha Qeybta Booliiska Gobolka Banaadir, Agaasime Waaxeedyo iyo saraakiil kale oo ka kala socday labada dhinac.

Mas’uuliyiinta kulanka ka qeyb galay ayaa si qoto dheer uga wada hadlay qorshayaasha lagu xaqiijinayo amniga xarumaha imtixaanaadka, ilaalinta nidaamka imtixaanka iyo sidii looga hortagi lahaa wax kasta oo carqaladeyn kara habsami-u-socodka Imtixaanka Qaranka.

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Waxbarashada ayaa tilmaantay in Imtixaanka Qaranku yahay masuuliyad qaran oo u baahan wada-shaqeyn dhow oo dhex marta hay’adaha dowladda, gaar ahaan Wasaaradda Waxbarashada iyo Ciidanka Booliiska. Waxay xustay in amniga iyo hufnaanta imtixaanka ay muhiim u yihiin xaqiijinta kalsoonida nidaamka waxbarashada dalka.

Dhankooda, saraakiisha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa xaqiijiyay inay diyaar u yihiin sugidda amniga goobaha imtixaanaadka iyo ilaalinta jawi deggan oo ay ardaydu ku galaan imtixaankooda si nabdoon oo hufan.

Kulanka ayaa kusoo dhammaaday is-afgarad ku saabsan xoojinta wada-shaqeynta labada dhinac, iyadoo la adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la abuuro jawi ammaan ah oo u suurtagelinaya ardayda Soomaaliyeed inay si deggan, cadaalad ah iyo kalsooni leh ugu fariistaan Imtixaanka Qaranka. Waxaa sidoo kale la isku raacay in la dardargeliyo qorshayaasha amniga inta lagu jiro maalmaha imtixaanaadka si loo xaqiijiyo guusha howlaha socda.