Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya Oo Soo bandhigtay Tirada ardayda U Fariisin Doonta Imtixaanada Mideysan Ee Dugsiyada Dalka

Wasiiru dolaha wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya Xildhibaan C/raxmaan Maxamuud Cabdulle ayaa sheegay in wasaaraddu ay go’aamisay in 19-bishaan la qabto imtixaanada mideysan ee dugsiyada dalka, islamarkaana ay u fariisan doonaan 27-kun oo arday oo qaarkood ku galaya gobolada dalka.

Wasiiru dowlaha Waxbarashada dalka ayaa sheegay in 21-kun oo kamid ah ardayda ay ku gali doonaan gobolka Banaadir, halka 6-kun ee kalena ay ku gali doonaan qaar kamid ah gobolada dalka.

“Dowlad goboleedyada shirkii aan ku yeelanay Dhuusamareeb waxaan u sheegnay in 19-ka May uu dhici doono Imtixaanka, waxaan u bandhignay kormeerayaashii 27-kun ayaana u fariisan doonta”ayuu yiri Mudane C/raxmaan Maxamuud Cabdulle.

Wasiiru dowlaha Waxbarashada Soomaaliya ayaa tilmaamay in si aad ah loo xoojiyey nidaamka Imtixaanka, islamarkaana kormeerayaal wasaaraddu ay soo xushay ay si gaar ah ula socon doonaan Imtixaanada dhacaya 19-ka Bisha May.

Mudane C/raxmaan Maxamuud Cabdulle Wasiiru dowlaha Waxbarashada Soomaaliya ayaa dhinaca kale sheegay in wasaaraddu ay hormarineyso Maktabadda Qaranka oo qeyb kamid ah la howlgaliyey.