Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Isniin ah soo gabagabeyneysa qabashada araajida ama codsiyada Macallimiinta cusub ee dhawaan ay shaacisay in ay qaadaneyso.
Qorshaha xiga ee Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waa in ay Imtixaan ka qaaddaa Macallimiinta codsiyada gudbistay si looga soo dhex xulo 3,000 oo Macallim oo ay u baahan tahay sida ay horay u sheegtay.
War kooban oo lagu daabacay Barta Facebook ee Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha & Tacliinta Sare Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu xusuusiyay macallimiinta daneeneysa in ay Imtixaankaan galaan.
Wasaaradda Waxbarashada ayaa dhowaan Shaacisay in ay qaadaneyso Macallimiin cusub oo dhan 3,000 oo Macallin si goobaha Wax lagu barto oo ay maamusho wax uga dhigaan inkasta oo Shalay Cabasho kasoo yeertay Macallimiin u diiwaangashay.