Wasaaradda Waxbarashada XFS Oo Shaacisay Jadwalka Imtixaanka Qaranka 2026

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah u shaacisay jadwalka imtixaanka qaranka ee sanad dugsiyeedka 2025/2026, kaas oo la qaban doono inta u dhaxeysa 20-ka ilaa 25-ka bisha June 2026.

Wasaaraddu waxay war kooban oo ay ku baahisay baraha bulshada ku sheegtay in jadwalka imtixaanka lala wadaagay dhammaan bahda waxbarashada dalka, oo ay ka mid yihiin ardayda, macallimiinta, maamuleyaasha dugsiyada, iyo waalidiinta, si ay si buuxda ugu diyaar garoobaan imtixaanka qaranka.

Wasaaradda ayaa xustay in imtixaanka sanadkan uu muhiimad gaar ah leeyahay, maadaama uu yahay mid lagu qiimeynayo heerka aqoonta ardayda dalka oo dhan, isla markaana lagu xaqiijinayo tayada waxbarashada iyo hufnaanta nidaamka imtixaannada qaranka.

Sidoo kale, Wasaaradda Waxbarashada ayaa sheegtay in ay sii wadi doonto dadaallada lagu horumarinayo nidaamka waxbarashada, gaar ahaan casriyeynta imtixaannada, tayeynta manhajka, iyo kor u qaadidda heerka waxbarasho ee dalka.

Mas’uuliyiinta Wasaaradda ayaa ugu baaqay ardayda dalka oo dhan inay si wanaagsan ugu diyaar garoobaan imtixaanka, isla markaana ay muujiyaan dadaal iyo feejignaan si ay u gaaraan natiijooyin wanaagsan oo u horseeda mustaqbal ifaya.