Wasaaradda Xanaanada Xoolaha DGG oo Daahfurtay Tababar Dhaqashada Shinida si Loogu Horumariyo Dhaqaalaha Deegaanka.

Warbixin: Afhayeenka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa ee Dowladda Galmudug Abdulahi Warsame Roble oo ka qayb galey Tababar ku Saabsan Dhaqashada Shinida

Afhayeenka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa ee Dowladda Galmudug, Mudane Abdulahi Warsame Roble, ayaa ka qayb galay furitaanka tababar muhiim ah oo la xiriira dhaqashada shinida, kaasoo ka dhacay mid ka mid ah xarumaha horumarinta dhaqaalaha ee maamulka Galmudug.

Tababarkan oo lagu qabtay baadiyaha magaalada Dhuusamareeb, ayaa ujeedkiisu ahaa kor u qaadista aqoonta iyo xirfadda dhalinyarada iyo beeraleyda ku aaddan dhaqashada shinida, taasoo kaalin weyn ka qaadan karta kobaca dhaqaalaha deegaanka iyo abuurista fursado shaqo.

Afhayeenka Mudane Abdulahi Warsame Roble ayaa xusay muhiimadda ay leedahay in la dhiirrigeliyo dhaqaalaha ka yimaada wax-soo-saarka shinida, isaga oo tilmaamay in Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa ay ka go’an tahay taageeridda barnaamijyada waxbarasho iyo tababar ee kor u qaadaya nolosha bulshada reer Galmudug.

Sidoo kale, afhayeenku wuxuu u mahadceliyay hay’adaha iyo khubarada farsamada ee gacanta ka geysanaya tababarkan, isaga oo ugu baaqay ka qaybgalayaasha in ay si dhab ah uga faa’iidaystaan fursadan si ay uga mid noqdaan hormuudka horumarinta wax-soo-saarka shinida ee gobolka.