Wasiir Axmed Macallin Fiqi oo Qaabilay Wafdi Saraakiil Ciidan ah oo ka Socday Masar

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi saraakiil ciidan ah oo booqasho ku jooga dalka Soomaaliya, kaas oo uu wehliyo Danjiraha Jamhuuriyadda Carabta Masar u fadhiya Soomaaliya, Mudane Maxamed Salaax Keshtah.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka iyo iskaashiga difaaca iyo amniga ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Masar, iyadoo labada dhinac ay isweydaarsadeen aragtiyo ku saabsan arrimaha danaha wadaagga ah iyo sidii loo sii horumarin lahaa wada-shaqeynta labada dal.

Wasiir Axmed Macallin Fiqi ayaa bogaadiyey taageerada joogtada ah ee Dowladda Masar ay u fidiso Soomaaliya, gaar ahaan dadaallada lagu ilaalinayo madaxbannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee dalka.

Wasiirka ayaa sidoo kale uga mahadceliyey Dowladda Masar garab-istaagga ay la garab taagan tahay Soomaaliya ee ku aaddan la-dagaallanka argagixisada iyo dadaallada lagu xoojinayo amniga qaranka.

Sidoo kale, kulanka ayaa lagu soo qaaday muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo taageerada iyo iskaashiga dhinaca dib-u-dhiska iyo tayeynta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, iyadoo la horumarinayo awoodaha ciidanka, tababarrada iyo xirfadaha saraakiisha iyo ciidamada.

Wafdiga saraakiisha ciidanka ee booqashada ku jooga Soomaaliya ayaa kulanka kula wadaagay mas’uuliyiinta Wasaaradda Gaashaandhigga aragtiyo la xiriira horumarinta iskaashiga milatari iyo sidii loo abuuri lahaa fursado cusub oo lagu xoojinayo xiriirka difaaca ee labada dal.

Iskaashiga Soomaaliya iyo Masar ayaa qayb ka ah dadaallada lagu horumarinayo awoodaha ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya iyo xoojinta xiriirrada istiraatiijiga ah ee labada dal.