Wasiir Bayle oo qaabilay wafdi ka socda Midowga Yurub

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. C/raxmaan Ducaalle Beyle ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda Midowga Yurub oo ay ka wada hadleen arrimaha Soomaaliya.

Wasiir Beyle ayaa sheegay in Wafdiga ka socda Midowga Yurub ay ka wada hadleen taageerada joogtada ah ee ay siiyaan Dowladda Soomaaliya, isagoona dhanka kale tilmaamay iney ka go’an tahay iney ka wada shaqeeyaan horumarka dalka.

‘Waxaan maanta xafiiskayga ku qaabilay wafdi ka socda Midowga Yurub oo aan ka wada hadalnay taageerada joogtada ah ee ay siiyaan Dowladda Soomaaliya, waxaana naga go’an inaan ka wada shaqeyno horumar ka dalka”. Ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya.

Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya ayaa wada dardar gelinta howlaha Maamulka iyo Maaliyadda dalka oo ay Hay’adaha dhaqaalaha aduunka ay ku qanceen sida ay hadda wax u socdaan.