Wasiir beyle Oo kormeeray dekeda Muqdisho

  1. Wasiirka Wasaaradda maaliyadda dowladda Soomaaliya ayaa kormeer ku tagay dekedda Magaalada Muqdisho, waxaana uu kulan la yeeshay Madaxda dekedda.

Wasiirka ayaa booqday Xafiisyadda Dekedda ee ay  ka socdaan shaqooyinka maalinlaha ah, Waxaana uu sheegay in lasii dardargelin doona howlaha Dekedda Muqdisho.

Cabdiraxmaan Ducaalle Beyle ayaa sheegay in Dekedda Muqdisho ay tahay Ilaha dhaqaallaha ee ugu muhiimsan dalka.

Wasiir Beyle ayaa sidoo kale tilmaamay in uu la kulmay qaar ka mid ah Shacabka wax kasoo degsanaayay Dekeddda Muqdisho, waxaana uu ka wareystay hadii ay jiraan Cabashooyin ay qabaan.

“Maanta waxaan kormeer ku tagay Dakadda Muqdisho ka mid ah ilaha dhaqaalaha Dalka kuwa ugu muhiimsan, si aan u hubiyo qaabka ay shaqadu usocoto. Waxaan dul istaagay goobaha ay sida gaarka ah uga socotay shaqada iyo u adeegida shacabka wax kala soo dagaya Dakadda Magaalada Muqdisho” ayuu yiri Wasiir Beyle.

Dekedda Muqdisho ayaa shaqeysa habeen iyo maalin, waxaana xusid mudan in Mas’uuliyiin ka tirsanaa Waaxda Kastamka Canshuur lagu eedeeyay Musuq maasuq, islamarkaana ay xir xiran yihiin.