Wasiir Beyle Oo Sheegay in dhaqaalaha dalku hoos udhacay

Wasaaradda Maaliyadda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaaca ka qaadday in dakhliga usoo xarooda uu hoos u dhacay 40%, taasoo uu sababay xanuunka coronavirus ee saameeyay.

Hoos u dhaca ayaa ka dhashay xayiraadaha lagu xakameynayo faafidda cudurka iyo canshuurihii badeecooyinka qaar oo la khafiifiyay. Sidoo kale waxaa gabi ahaanba istaagay dhaqdhaqaaqyadii ganacsi ee ku xirnaa dalka dibaddiisa.

Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa BBC-da u sheegay in dhaqaalaha uu iska dhimay meelo badan oo ay dowladda canshuuro ka heli jirtay.

“Marka u horreysay dadkii baa la kala joojiyay, wax soo saarkii baa hoos u dhacay, sidaas daraaddeed dadka dakhligii soo galayay baa isdhimaya, dadkii maxaysatada ahaa ee maalin walba doolarka soo qaadanayayna wuu dhamaanayaa doolarkoodii, annaguna kuwaasaan canshuuro yar yar ku ahayn wixiina way dhammaadeen hadda,” ayuu yiri wasiirka.

Hoos u dhaca 40%-ka ah ayuu Bayle ku qiyaasay lacag dhan $200,000,000 (Labo boqol oo milyan oo doolar).