Wasiir Beyle Oo Shir Guddoomiyay Kulanka Billaha Ee Guddiga Dhaqaalaha

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. C/raxmaan Ducaalle Beyle ayaa shir guddoomiyay Kulanka Billaha ee Guddiga Dhaqaalaha oo ay ka qeyb galeen Xubno ka socday IMF, Africa iyo World Bank.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay horumarka dhaqaalaha, qorshayaasha dagsan iyo wax kaqabadka caqabadaha dhaqaalaha Dalka sida uu sheegay Wasiir Beyle

“Waxaan shir gudoomiyay kulanka Billaha ah ee Guddiga Dhaqaalaha #FGC_Meeting’ kaas oo aan uga hadalnay horumarka dhaqaalaha, qorshayaasha noo dagsan iyo wax kaqabadka caqabadaha dhaqaalaha Dalka. Waxaa shirka nagala qeybgalay xubno ka socday IMF Africa, World Bank”.ayuu yiri Wasiir Bayle

aduunka ay ku qanceen sida ay hadda wax u socdaan.

Hay’adda Lacagta Aduunka ay hore u sheegtay in Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka ugu horeeya ee is hormarinaya, sababtaas darteedna Dalal badan ay Casuumaad u fidinayaan Soomaaliya, si ay hormarkeeda kaga qeyb galaan.