Wasiir Beyle oo udigay Shirkado ganacsi oo aan bixinin canshuuraha

Wasiirka Wasaaradda maalyadda xukuumadda federalka ah ee somaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo maanta shir jaraid warbaahinta ugu qabtay magaalada muqdisho ayaa waxa uu digniin udiray shirkado ganacsi oo aan bixinin canshuurta.

Waxa uu sheegay in shirkadaha uu digniinta udiray ay tiradooda gareyso 20 shirkadood ayna iminka wadahadalo usocdaan.

Waxa uu intaa kudaray wasiirka in laga doonayo shirkadahaasi wixii hadda kadambeya in ay canshuurta bixiyaan, haddii arintaasi ay fuli waayaana aysan furnaan doonin xarun ganacsi oo anan bixin lacagihii canshuurta ahaa ee looga baahnaa.

Dhanka kale wasiir Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa waxa uu sheegay in bilaha sadexaad iyo afaraad uu waashitoon kadhacayo wajiga sadexaad ee shirka dhameystirka arimaha deen cafinta somaliya.