Wasiir Cabdi waayeel oo Magacaabay Xoghaye-yaasha illa Saddex Degmo oo Galmudug ah.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federalka iyo Dib-U-Heshiisiinta Dowladda Galmudug Mudane Cabdi maxamed Jaamac(Cabdi Waayeel) ayaa Magacaabay Xoghaye-Yaasha Degmooyinka Dhuusamareb, Cabudwaaq Iyo Cadaado.

Xoghaye-yaashaan lasii magacaabay ayaa kala ah.
1- Cabdisalaam Caabi Aadan Xoghayaha Maamulka Caasimada Dhuusamareeb.
2-Cabdiraxaan Axmed Xersi Xoghayaha Maamulka Degmada Cadaado.
3-Nadiir Cabdikariim Salaad Xoghayaha Maamulka Degmada Caabudwaaq.
Horey Wasiir Cabdi Waayeel waxa uu usoo Magacaabay Xog-hayaha Degmada Balanbal Mudane Dt Axmed Cismaan 30-OCT-2022.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federalka iyo Dib-U-Heshiisiinta Dowladda Galmudug, ayaa ku guuleysatay in Nidaamka Dooro ee Golaha Deegaanka ka hirgaliso illaa Lix Degmo oo ah Degmada Gaalkacyo, Cadaado, Caabudwaaq, Balanbal, Caasimada Galmudug ee Dhusamareb iyo Degmada Guriceel.