Wasiir Cali Xoosh Oo Kormeer Shaqo Ku Tagay Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Dowladda Federaalka Soomaaliya, Cali Yuusuf Cali (Xoosh), ayaa maanta kormeer shaqo oo muhiim ah ku tagay xarunta Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka. Kormeerkan ayaa qayb ka ah dadaallada joogtada ah ee dowladda federaalka ay ku xoojinayso la socodka howlaha hay’adaha u adeegaya bulshada, gaar ahaan kuwa ka shaqeeya arrimaha bani’aadannimada iyo taageerada dadka nugul.

Markii uu wasiirku gaaray xarunta hay’adda, waxaa si diirran ugu soo dhoweeyey Guddoomiyaha Hay’adda, Liibaan Cabdi Cigaal, iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan maamulka iyo shaqaalaha hay’adda. Wasiirka iyo wafdigiisa ayaa kaddib booqday qeybaha kala duwan ee xarunta, iyagoo indhahooda ku soo arkay habsami u socodka howlaha maalinlaha ah ee ay hay’addu bulshada u qabato.

Intii uu kormeerku socday, wasiirka waxaa la siiyey warbixinno faahfaahsan oo ku saabsan shaqooyinka iyo adeegyada ay hay’addu bixiso, gaar ahaan howlaha la xiriira daryeelka qaxootiga, taageerada barakacayaasha gudaha dalka, iyo gurmadka bani’aadannimo ee la gaarsiiyo dadka ay saameeyeen colaadaha, abaaraha, fatahaadaha, iyo duruufaha adag ee nololeed. Sidoo kale, warbixinnada waxaa lagu soo bandhigay qorshayaasha cusub ee hay’addu ku doonayso inay ku horumariso adeegyada ay bulshada siiso iyo dadaallada lagu xoojinayo iskaashiga hay’adaha dowladda iyo bahda caalamka.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Mudane Cali Xoosh ayaa si gaar ah u bogaadiyey shaqaalaha iyo maamulka hay’adda, isagoo ku ammaanay dadaalka joogtada ah ee ay ugu adeegayaan shacabka Soomaaliyeed ee tabaaleysan. Wasiirku wuxuu sheegay in hay’addu ay door weyn ka qaadato badbaadinta iyo garab istaagga dadka nugul, islamarkaana ay muhiim tahay in la sii laba jibbaaaro howlaha samafalka iyo taageerada bulshada.

Wasiirka ayaa sidoo kale tilmaamay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay mudnaan gaar ah siinayso arrimaha qaxootiga iyo barakacayaasha, maadaama ay yihiin bulshooyin u baahan taageero joogto ah, dib-u-dejin, iyo horumar nololeed. Waxa uu xusay in loo baahan yahay in la dardargeliyo qorshayaasha lagu xaqiijinayo adeegyo tayo leh oo gaara dhammaan dadka ay dhibaatadu saameysay.

Dhanka kale, wasiirka ayaa goob-joog ka noqday adeegyo daryeel iyo taageero oo loo fidinayey qaar kamid ah barakacayaasha ay hay’addu gacanta ku hayso. Waxa uu la hadlay qaar ka mid ah qoysaska barakacayaasha ah, isagoo dhageystay baahiyaha iyo cabashooyinka ay qabaan, isla markaana u xaqiijiyey in dowladda ay ka go’an tahay sidii loo xoojin lahaa taageerada loo fidinayo bulshada nugul.

Ugu dambeyn, Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa ku dhiirrigeliyey maamulka iyo shaqaalaha hay’adda inay sii laba jibbaaraan dadaalladooda, kana shaqeeyaan horumarinta adeegyada bani’aadannimo, si loo gaaro himilooyinka qaran ee ku saleysan isku filnaansho, daryeel bulsho, iyo dib-u-heshiisiin waarta.