Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga caalamiga ah ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Danjire Axmed Ciise Cawad oo matalaya madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa ka qeyb galay shir madaxeedkaka Jaamacadda Carabta ee ka dhacay magaalada Tunis ee caasimadda Tunisia.
Wasiirka ayaa isaga oo shirkaasi faah faahinaya waxa uu sheegay in looga hadlay arrimo ay ka mid ahaayeen iskaashiga dalalka Carabta,xalinta khilaafaadkooda iyo arrimo soo kordhay oo ah in Mareykanka uu sheegay in Israa’iil uu u aqoonsaday Buuraha Golan Heights oo ay Siiriya leedahay.
Sidoo kale arrimaha Falastiiniyiinta ayuu sheegay in shirkaasi si aad ah loogu dheeraaday iyo in lag ahortago go’aankii Mareykanka ee ahaa in Qudus ay tahay Caasimadda Israa’iil iyo in Dowladda falastiin laga taageero Mareykanka oo ka jartay lacago uu siin jiray.
Wasiir Cawad ayaa sidoo kale hadalkiisa intaasi raaciyey in laga hadlay arrimo la xiriira dalalka carabta sida Falastiin, Liibiya, Suuriya. Waxa uu sheegay in Soomaaliya ay taageersan tahay in dadka Falastiin helaan xaqooda iyo dowladdooda xorta ah.