Wasiir Cawad oo la kulmay Amiirka kuwait

Axmed Ciise Cawad Wasiirka Arrimaha dibadda Dowladda Federaalka Soomaaliya  oo booqasho ku joogga dalka Kuwait ayaa kulamo kala duwan , waxaa uu la qaatay Madaxda dalkaasi,isagoona kala hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka Soomaaliya iyo dowlada Kuwait.

Amiirka Kuwait iyo Wasiirka ayaa kulan ku yeeshay Aqalka looga taliyo dalkaasi, Waxaana Wasiirka  ugu horeyn amiirka Kuwait guddoonsiiyay dhambaal uu uga siday madaxwenaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya  Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa sidoo kale la kulmay, Wasiiradda Arrimaha dibadda iyo Waxbarashada Kuwait .

Axmed Ciise Cawad ayaa la kulmay guddoomiyaha Sanduuqa Horumarinta Kuwait, oo ay ka wada hadleen mashaariic dhinaca horumarinta ah oo ay Kuwait ka fulineyso dalkeenna.

Dowladda Kuwait ayaa kamid ah dowladaha carbeed oo xirirka diblomaasiyadeed uu kala dhexeeyo Soomaaliya,iyadoo kulankan uu si gaar ah u dhiirogelinayo xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee labada dowladood.