Wasiir Cawad Oo Muqdisho Ku Qaabilay Wefdi Ka Socda Boqortooyada Midowday

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Xukuumadda Soomaaliya  Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa ku qaabilay Magalada Muqdisho Mudane David Concar, Safiirka Boqortooyada Midowday u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Intii kulanku socday ayay uga wada hadleen xiriirka laba geesoodka ee labada dal ee saaxiibada ah u dhexeeya iyo habkii loo xoojin lahaa dhinacyo kala duwan, waxa kale oo ay isla faaqideen arrimaha gobolka iyo dunida inteeda kale oo ahaa wax labada dal muhiimad u leh.

Safiirka Boqortooyada Midowday u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya David Concar ayaa dhowr mar yimid Magalada Muqdisho,waxana uu kulamo kala duwan la qaatay Madaxda ugu sareysa dalka.