Wasiir Cawad Oo Sharaxaad kabixiyay Mowqifka Dowladda ee ku Aadan Khilaafka Sacuudiga Iyo Canada

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibada Xukuumadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa sharaxay muhiimada Warsaxaafadeed maalin ka hor Wasiiradiisu ay soo saartey.

Warsaxaafadeed ayaa waxaa qeyb ka ahaa in Xukuumadda Soomaaliya ay adkeyneyso mowqifka Sacuudiga ee khilaafka kala dhaxeeyo dowladda Canada,waxaana u muuqatay in dowladdu taageertay Sacuudiga.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibada Xukuumadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay in xukuumaddu aysan sigaar ah u taageerin Sacuudiga laakin mowqifkoodu uu yahay in xal la gaaro.

Waxa uu sheegay Wasiirku isaga oo la hadlayey Idaacadda BBC-da in dowladda Soomaaliya aysan shaacin hadalo ay ka caroon karto dowladda Canada balse ay csdeysay in khilaafka Sacuudiga iyo Canada wadahadal lagu dhameeyo.

Dad badan oo siyaasada la socda ayaa dowladda Soomaaliya waxa ay ku dhaliilern Warsaxaafadeedkii ka soo baxsy Wasaaradda Arrimaha dibada,isla markaana ay faraha la gasho arrimaha labada dowladood ee Sacuudiga iyo Canada.