Wasiir Daahir Geelle oo ka warbixiyay heshiiskii Soomaaliya iyo Itoobiya

Kadib kulan muhiim ah oo maalin kahor Muqdisho ay ku yeesheen madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo wafdigii uu hoggaaminayay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa waxaa lagu heshiiyay ilaa 16 qodob oo muhiim u ah xoojinta iskaashiga iyo xiriirka ka dhexeeya wadamada Soomaaliya iyo Itoobiya.

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Daahir Maxamuud Geelle oo faah faahin ka bixinayay heshiiskaasi ayaa waxa uu sheegay inuu ku saabsanaa dhinacyada iskaashiga amniga, diblomaasiyadda, iyo arrimo kale.

Wuxuu sheegay Wasiir Daahir Geelle oo la hadlayay BBC-da in heshiiskan uu mudo soo socday oo dowladihii midan ka horeeyay ay soo wadeen, wuxuuna tilmaamay in labada dalba ay heysteen fursado badan.

Wasiirka Warfaafinta oo mar wax laga weydiiyay hadalka Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ee ahaa in labada wadan laga dhigay hal wadan oo wax walba wada qeybsada ayaa waxa uu sheegay labada dal ay kala madax banaan yihiin keliya ay wada galeen heshiis ku dhisan wax is dhaafsi.

“Heshiiskani wuxuu ku saabsanaa dhinacyo badan, heshiiskani mudo ayuu soo socday, mar walba waxaa laga duulayay laba dowladood oo deris ah, waxaa aad looga hadlay xiriirka dhaqaale ee labada dowladood, suuq macno leh ayaa halkan ka dhalanaya, waxaan kuu sheegi karaa in ay wada hadleen laba dal oo kala madax banaan, Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya wixii uu ka hadlay waa wax dalkiisa quseeya.” Ayuu yiri Wasiir Daahir Geelle.

Booqashadii Ra’iisul wasaaraha Dalka Itoobiya ee uu ku yimid Soomaaliya ayaa muujinaysa dadaalka ay dowladda Soomaaliya ugu jirto xoojinta xiriirka dhinaca diblomaasiyadeed ee kala dhexeeya dowladaha caalamka.