Wasiir Dowlaha Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka oo furay tababar loo qabtay shaqaalaha Khadka Caawinaada Haweenka iyo Carruurta ee 116.”

Wasiir Dowlaha Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Mohamed Osman Naastaro, ayaa maanta furay tababar muhiim ah oo loo qabtay shaqaalaha Khadka Caawinaada ee Ilaalinta Carruurta iyo Haweenka – 116.
Tababarkan waxaa ka soo qayb galay wakiillo ka socday EUCAP Soomaaliya, masuuliyiin ka tirsan hay’adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, bah-wadaagta Qaramada Midoobay, xubno ka socda booliska, hay’adaha garsoorka, iyo sidoo kale ururrada bulshada rayidka.
Ujeeddada tababarkan ayaa ah in la xoojiyo aqoonta iyo xirfadaha shaqaalaha ka howlgala Khadka Caawinaada ee 116, si ay si hufan oo xirfad leh ugu adeegaan bulshada, gaar ahaan haweenka iyo carruurta u baahan caawimaad iyo ilaalin.
Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay ka go’an tahay xoojinta nidaamyada ilaalinta bulshada, gaar ahaan difaaca xuquuqda iyo badbaadada haweenka iyo carruurta. Hirgelinta Khadka Qaranka ee 116 waa tallaabo muhiim ah oo qeyb ka ah dadaalladaas, maadaama uu bixinayo marin ammaan ah oo lagu helo caawimaad degdeg ah, laguna soo gudbiyo xadgudubyada, isla markaana lagu xiro adeegyada taageerada ee ku habboon.
Khadka 116 waa adeeg qaran oo shaqeeya 24 saacadood maalintii iyo 7 maalmood toddobaadkii, si qof kasta oo u baahan gargaar uu ula soo xiriiri karo wakhti kasta.
Tababarkan ayaa la filayaa inuu gacan ka geysto kor u qaadista tayada adeegyada Khadka 116 iyo xoojinta wada-shaqeynta hay’adaha ka shaqeeya ilaalinta haweenka iyo carruurta dalka.