WASIIR-DOWLAHA WASAARADDA ARRIMAHA DIBADDA OO QAABILAY WEFDI KA SOCDA UNTMIS

Wasiir-Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wefdi ka socday Hawlgalka Kala-guurka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNTMIS), oo uu hoggaaminayay Kusimaha Madaxa Hawlgalka, Raisedon Zenenga.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray geeddi-socodka kala-guurka ee UNTMIS iyo xaaladda guud ee dalka Soomaaliya, gaar ahaan doorka Qaramada Midoobay ee taageeridda dadaallada nabad-dhisidda, dowladnimada iyo horumarinta hay’adaha dowladda.

Wasiir Cali Balcad ayaa xusay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay si buuxda uga go’an tahay hirgelinta kala-guurka ay Soomaalidu hoggaaminayso, kaas oo lagu xoojinayo hay’adaha qaranka isla markaana lagu taageerayo nabadda, dib u dhiska dowladnimada iyo kobcinta awoodda dowladda.

Sidoo kale, Wasiirku wuxuu carrabka ku adkeeyay in iskaashiga caalamiga ah, gaar ahaan Qaramada Midoobay, uu muhiim u yahay xaqiijinta hiigsiga Soomaaliya ee dhinacyada amniga, siyaasadda iyo horumarka.

Dhankooda, wafdiga UNTMIS ayaa soo dhoweeyay dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyagoo muujiyay sida ay uga go’an tahay sii wadidda taageerada ku aaddan kala-guurka iyo horumarinta dalka.

Labada dhinac ayaa ugu dambeyn isku raacay in la sii xoojiyo iskaashiga dhow ee lagu taageerayo mudnaanta qaranka Soomaaliya iyo qorshayaasha horumarineed ee mustaqbalka fog.