Wasiir Dowlaha Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xil. Asad Cabdirisaaq Maxamed, ayaa si rasmi ah u furay Shirka Dib-u-Eegista Hababka Cuntada Dalka, kaas oo ah wadatashi qaran oo saddexaad, isla markaana diiradda lagu saaray falanqeynta sugnaanta cuntada iyo la qabsiga isbeddelka cimiladda.
Ujeeddada shirka ayaa ah in si qoto dheer loo falanqeeyo caqabadaha horyaalla nidaamka cuntada ee dalka, saameynta isbeddelka cimiladda ee wax soo saarka beeraha, iyo sidii loo heli lahaa xalal waara oo kor loogu qaadayo sugnaanta cuntada, adkaysiga bulshada, iyo wax soo saarka gudaha. Shirka ayaa sidoo kale looga golleeyahay in la helo qorshayaal wax ku ool ah oo yareynaya halista cimilada iyo khataraha ku yimaada amniga cuntada dalka.
Shirka waxaa ka soo qayb galay mas’uuliyiin ka socday dowladda Federaalka, dowlad-goboleedyada, hay’adaha caalamiga ah, khubaro ku takhasustay beeraha, cimiladda, sugnaanta cuntada, iyo ururrada beeraleyda Soomaaliyeed, kuwaas oo dhammaantood ka qaybqaatay falanqeynta iyo wada tashiga ku saabsan horumarinta nidaamka cuntada ee dalka.
Gabagabadii, Wasiir Dowlaha ayaa ku adkeeyey muhiimadda wada tashiga qaran ee loo dhan yahay, isaga oo xusay in natiijooyinka ka soo baxa shirka ay door muhiim ah ka qaadan doonaan dejinta siyaasadaha qaranka ee hababka cuntada, beeraha, iyo yareynta halista cimilada, si loo xaqiijiyo horumar waara oo ku saleysan amni, wax soo saar, iyo adkaysi bulsho.