Wasiir Fiqi oo maanta xilkii Wasiirka Arrimaha Gudaha wareejiyey

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ahna ku simaha Ra’iisul Wasaaraha XJFS Salah Jama, ayaa xilalka uu kula wareejiyey Wasiirka cusub ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Cali Yuusuf  Cali Xoosh iyo Wasiirkii hore ee Wasaaradda Axmed Macallin Fiqi.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa ku ammaanay Wasiirkii hore ee Wasaaradda Axmed Macallin Fiqi xaqiijinta halbeegyo waaweyn oo ay lahayd wasaaraddu, kuwaas oo muddo gaaban lagu gaaray. Sida lagu yiri qoraal ka soo baxay xafiiska Wasiirka koowaad ee Xukuumadda.

Saalax Jama Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka ayaa sheegay in loo baahan yahay hannaanka dowladnimada Soomaaliya in ay ka muuqato astaamihii federaalka, isaga oo kula dardaarmay wasiirka cusub in laga rabo hirgelinta doorasho ay dadweynaha Soomaaliyeed ku soo doortaan hoggaankooda, maadaama ay inta badan dhammeystiran yihiin shuruucdii lagama maarmaanka u ahaa qabsoomidda doorashada.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa dhawaan magacaabis ku sameeyey qaar ka mid ah Golahiisa Wasiirrada, isaga oo Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya u magacaabay Axmed Macallin Fiqi.