Wasiir Goobe oo la kulmay Agaasimaha Hay,adda Cunnada Addunka Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada XFS, Sarreeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac ayaa maanta kulan la qaatay Agaasimaha Hay’adda Barnaamijyada Cunnada Adduunka ee Soomaaliya Al-Khidir Daloum, oo ay ka wada hadleen xoojinta wadashaqeynta u adkeysiga cimilada, joogteynta deegaanka, iyo xal u helidda bulshooyinka nugul.
Sidoo kale waxaa kulanka looga hadlay muhiimadda ay leedahay iskaashiga istaraatiijiyadeed ee hirgelinta horumar waara, xoojinta howlaha la qabsiga cimilada, iyo dhisidda adkeysiga caqabadaha cimilada ee Soomaaliya.