Wasiir iyo Xildhibaanno Hirshabeelle oo lagu weeraray Magaaladda Jowhar.

JOWHAR 13- NOV-2022:- Kooxda Alshabaab ayaa Bombaano ku weeraray Guri ay ka daganaayeen Magaaladda Jowhar Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda Hirshabelle Abdifatah Hassan Farah iyo Xildhibaanno ka tirsan Maamulkaas.

Weerarkan Alshabaab ku beegsadeen Guriga ay daganaayeen Masuuliyiitan ayaa waxaa dhaawac kasoo gaaray Wasiir Abdifatah Hassan Farah iyo 2 Xildhibaan oo ka tirsan Barlamaanka Maamulkaas kuwaa oo loo qaaday Magaaladda Muqdisho.

 

Alshabaab ayaa Bilihii ugu danbeeyay go’doomin ku sameeyay Magaaladda Jowhar oo ah Caasimadda Maamulka Hirshabele ee Somalia, waxaana Weerarka kusoo beegmay Xilli dhowaan ay Alshabaab Weearar Qaraxyo Gaari loo adeegsaday ku qaadeen Hoteka Nuur Duub ee Magaaladda Jowhar, waxaana Weerarkaas ku dhintay Sidoo kalana ku dhaawacmay Masuuliyiin katirsan Maamulka Hirshabelle oo Hotelkaas daganaa, waxaana gabi ahaanba burburay dhismaha Hotelka la weeraray. 

Sidoo kale Dilalka lagu beegsado Masuuliyiinta Maamulka Hirshabelle ayaa aad u batay waxaana Magaaladaas lagu dilay dhowr Masuul oo Alshabaab si gaar ah u beegsadeen.