Wasiir Jamaal oo ku guuleystay doorashii kadhacday Garoowe

Wasiirka wasaarada qorsheynta Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan ayaa ku guulaystay doorashada kursi ka banaan Golaha Shacabka oo maanta ka dhacday Magaalada Garoowe.

Wasiir Jamaal ayaa helay codad gaaraya 49 cod, maanta laga bilaabo waxa uu si rasmi ah kaga mid noqday xildhibaanada golaha shacabka.

Jamaal ayaa horay loo saadaaliyay in uu noqon doona Xildhibaan ka dib markii uu ka iibsaday Shaqsigii kursiggaan ku fadhiyay Dahar Cali Faarax.

Waxaa kula tartamay kursigaan Maxamuud Cabdullaahi Maxamed.