Wasiir ka tirsan XFS oo maanta Si Wayn Loogu Soo Dhaweeyey Degmada Guriceel ee Gobolaka Galgaduud.

Wasiir Ku Xigeenka Wasaarada Awqaafta Iyo Arimaha Diinta Xukuumada Federalka Soomaaliya Shariif Saalax Shariif Sayidcali Oo Si Wayn Loogu Soo Dhaweeyay Degmada Guriceel ee Gobolaka Galgaduud.

Wasiir oo indhawaalaba ku sugnaay Deegaanada DowladA Goboleedka Galmduug isla markaasina Socdaal Booqasho ah kugaaray Caasimada Galmdudug ee Dhuusamareen iyo Degmaad Baxdo ayaa manta si diiran loogu soo dhaweeyey Guriceel.

Wafdiga uu Wasiirku Hugaaminayo waxaa soo dhaweyntiisa qeyb ka ahaay Masuuliyiin kasocda Maamulka Degmada, Culi,a-owdiinka Magaalada, Haweenka, Dhalinyarada, iyo Bulshada qeybaheeda kala duwan.

Wasiir Shariif Salaax ayaa u mahadceliyey Bulshada reer Guriceel iyo Maamulkooda oo aan u kala harin, waxa uuna sheegayu in inta uu joogo uu kulamo guud iyo kuwa gaar gaar ahba uu la qaadan doono Bulshada magaalada.