Wasiir kale oo ku dhawaaqay in uu yahay Musharax u taagan xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka

Saalim Caliyow Ibrow Wasiirka Wasaarada Tamarta Soomaaliya hadana ah Mudane ka tirsan Baarlamaanka Golaha Shacabka ayaa maanta oo ay Taariikhdu tahay 18-04-18 ku dhawaaqay inuu yahay Musharax u taagan xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Guddoomiyihii Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa 9-kii bishan April iska casilay xilka Guddoonka, sida xeerka Baarlamaanka uu dhigayana ay waajib tahay in booskaas lagu buuxiyo mudo 15 maalmood ah.

Baarlamaanka Federaalka ayuu ka dalbaday in ay codkooda siiyaan si uu ugu guuleysto xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo uu sheegay inuu leeyahay khibradeeda, kana soo bixi karo waajibaadka saaran, maadaama hada ay jirto Dowlad leh Hay’adaheeda Dastuuriga ah.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka bilowday Olole Doorasho oo qaar ka ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ay ugu jiraan sidii ay u raadin lahaayeen xilkii uu baneeyay Gudoomiye Jawaari.

Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Sheekh Aadan Madoobe) iyo Wasiirka Difaaca Maxamed Mursal Sheekh ayaa horay ugu dhawaaqay in ay yihiin Musharaxiin u taagan xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka.