Wasiir Katirsan Maamulka Koonfur Galbeed iyo Xildhibaan oo Qarax lagu dilay

Qarax Miino oo ka gelinkii dambe ee maanta ka dhacay degaan u dhaxeeya degmooyinka Afgooye iyo  Wanlaweyn ayaa waxaa lagu dilay Wasiiru Dowlihii Amniga Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya C/qaadir C/raxmaan Cali.

Wasiirka waxaa la geeryooday Axmed Cabdi Faarax (Kaboweyne
oo ahaa Xildhibaan ka tirsanaa Baarlamaanka maamulka Hirshabeelle, sida ay sida ay warfidiyeenka  u xaqiijiyeen Masuuliyiinta dhanka ammaanka Maamulka Koonfur Galbeed.

C/qaadir C/raxmaan Cali ayaa ka mid ahaa wafdi uu hoggaaminayay Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo maanta safar shaqo ku tagay degaanka Bali-doogle ee degmada Wanlaweyn, balse Wasiiru Dowlaha iyo xubno kale ayaa safar dhulka ah ku soo aaday dhanka Muqdisho, balse inta ay wadada ku soo jireen ayay qabsatay Miino dhulka lagu aasay gaarigii uu watay Wasiiru Dowlaha, isla goobta ayuuna ku geeryooday.

Afhayeenka Madaxtooyada Maamulka Koonfur Galbeed Nuuradiin (Gacma) oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa sheegay in dhammaan shacabka Soomaaliyeed ay kaga tacsiyadeynayaan geerida ku timid Wasiiru Dowlihii Amniga Maamulkaasi iyo xildhibaanka Hirshabeelle.

Wuxuu kaloo sheegay Nuuradiin (Gacma) in Saraakiisha Ammaanka Koonfur Galbeed ay shir deg deg ah ka yeelan doonaan falkan dhacay, jawaabna ay ka bixin doonaan.

 

Waa sawirka Wasiiru Dowlihii Amniga Koonfur Galbeed C/qaadir C/raxmaan Cali