Wasiir Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi oo Kormeer iyo Dhiirrigelin Ku Tagtay Tuulada Carruurta SOS ee Muqdisho

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa maanta kormeer howleed ku tagtay xarunta Tuullada Carruurta SOS ee magaalada Muqdisho halkaasi oo ay ugu kuurgashay xaaladaha ay ku sugan yihiin Carruurta ku jirta xarunta SOS iyo baahiyahooda.
Kahor kormeerka Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa goobjoog ka aheyd heshiis iskaashi oo u jeedkiisu yahay in lagu hormariyo adeegyada daryeelka carruurta, lana ballaariyo mashaariicda kor u qaadaya badbaadada, waxbarashada iyo faya-qabka carruurta nugul waxaana heshiiskaasi kala saxiixday Agaasimaha Maamulka iyo Maaliyadda ahna ku simaha Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qoyska Faysal Nuur Faarax iyo Madaxa Barnaamijyada Hay’adda SOS Bashiir Saciid Xasan.
Intii ay ku gada jirtay kormeerkeeda tuullada Carruurta SOS waxa ay Wasiirrada booqatay qeybaha kala duwan ee xarunta oo ay ka mid yihiin qeybta xannaaneynta Carruurta , qeybta isbitaalka, qeybta waxbarashada Jaamacadda SOS oo ay wax ku bartaan arday Soomaaliyeed iyo qeybta bukaan jiifka ee hooyada iyo dhallaanka.
Sidoo kale Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa xarigga ka jartay qeyb cusub oo lagu soo kordhiyay xanaaneeynta carruurta Tuulada SOS waxaana ay si gaar ah u dhiiri gelisay Carruurta Gabdhaha ah ee ku jira Tuullada SOS ayada oo ku boorisay iney isku diyaariyaan hogaaminta wadankooda.
Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS ayaa mudooyinkii ugu danbeeyey aad u xoojisay dadaallada ay ku bixineyso Hormarinta iyo wax u qabashada carruurta Soomaaliyeed waxaana kormeerka Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya ku tagtay Tuullada Carruurta SOS ku wehliyey Xoghayaha maamulka gobolka Banaadir Bilan Bile Maxamuud .