Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Amb. Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi, ayaa khudbad ka jeedisay kulan-doceed heer sare ah oo lagu qabtay magaalada Geneva, kaas oo looga hadlay xaaladda xuquuqul insaanka Soomaaliya, horumarka laga sameeyay iyo hannaanka kala-guurka xuquuqul insaanka ee dalka.
Kulanka ayaa ka dhacay xarunta Qaramada Midoobay ee magaalada Geneva, iyadoo sidoo kale diiradda lagu saaray dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee lagu xoojinayo ilaalinta, horumarinta iyo dhowrista xuquuqda aadanaha.
Wasiiradda ayaa sheegtay in Soomaaliya, markii ugu horreysay muddo ka badan 30 sano, ay si toos ah warbixinnadeeda ugu gudbinayso hannaanka rasmiga ah ee Golaha Xuquuqul Insaanka iyo habraacyada warbixinnada ee Golaha.
Waxay tilmaantay in Soomaaliya ay ka go’an tahay inay si joogto ah uga qeybqaadato, isla markaana si dhow ula shaqeyso nidaamka caalamiga ah ee xuquuqul insaanka, iyadoo xustay muhiimadda ay leedahay xoojinta wada-shaqeynta Soomaaliya iyo hay’adaha caalamiga ah.
Amb. Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa sidoo kale soo hadal qaaday Qaraarka Golaha Xuquuqul Insaanka ee 60/28, kaas oo ay sheegtay inuu qeyb muhiim ah ka yahay jihada iyo dadaallada la xiriira marxaladda kala-guurka Soomaaliya iyo xoojinta iskaashiga caalamiga ah.
Waxay si gaar ah u tilmaantay muhiimadda dardargelinta furitaanka Xafiiska OHCHR ee Muqdisho, iyadoo sheegtay in arrintani ay qeyb ka qaadan karto xoojinta taageerada iyo iskaashiga caalamiga ah ee Soomaaliya ee dhinaca xuquuqul insaanka.
Wasiiradda ayaa adkaysay in hannaanka kala-guurku uu yahay arrin muhiim u ah marxaladda cusub ee Soomaaliya, isla markaana uu noqon doono mawduuc muhiim ah oo ka dhex muuqda doodaha iyo hawlaha kalfadhiga 63-aad ee Golaha Xuquuqul Insaanka ee Geneva, iyo sidoo kale kulamada Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ee magaalada New York.
Amb. Khadiija ayaa sheegtay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay diyaar u tahay inay si mas’uuliyad leh u qaadato doorkeeda cusub ee ka dhashay hannaanka kala-guurka, iyadoo sii xoojinaysa hay’adaha qaranka iyo hannaanada lagu ilaalinayo laguna horumarinayo xuquuqul insaanka.
Ugu dambeyn, Wasiiradda ayaa caalamka la wadaagtay horumarka Soomaaliya ay ka sameysay dhismaha hay’adaha xuquuqul insaanka iyo horumarinta shuruucda muhiimka ah, gaar ahaan hirgelinta Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka.
Waxay caddeysay in Soomaaliya ay ka go’an tahay ilaalinta iyo horumarinta xuquuqul insaanka, iyadoo uga mahadcelisay Qaramada Midoobay, hay’adaha caalamiga ah iyo dhammaan saaxiibbada Soomaaliya taageerada joogtada ah ee ay siiyaan dalka.
Wasiir Khadiija ayaa ugu dambeyn ku adkaysay in iskaashiga caalamiga ah uu muhiim u yahay guusha iyo sii ambaqaadka hannaanka kala-guurka Soomaaliya, gaar ahaan dadaallada lagu xoojinayo hay’adaha qaranka iyo ilaalinta xuquuqda aadanaha.