Wasiir Khadiijo Al-Makhzoumi Oo Golaha QM Ee Geneva Ku Soo Bandhigtay Horumarrada Soomaaliya Ka Gaartay Xuquuqul Insaanka

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Marwo Khadiijo Maxamed Al-Makhzoumi, iyo wafdi ballaaran oo ay hoggaamineyso ayaa ka qeybgalay kulanka 52-aad ee Dib-u-eegista Caalamiga ah ee Xuquuqul Insaanka (Universal Periodic Review – UPR), kaas oo ka dhacay xarunta Qaramada Midoobay ee magaalada Geneva. Kulankan muhiimka ah waxaa kasoo qeybgalay wufuud ka kala socotay 108 dal oo xubno ka ah Qaramada Midoobay, kuwaas oo diiradda saaray qiimeynta xaaladda xuquuqul insaanka ee dalalka caalamka.

Wafdiga Soomaaliya ayaa kulanka ku soo bandhigay warbixin dhameystiran oo ku saabsan horumarrada ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ka gaartay dhinacyada xuquuqul insaanka afartii sano iyo barkii lasoo dhaafay. Warbixinta ayaa si gaar ah u iftiimisay dadaallada dowladda ee ku aaddan dhismaha hay’adaha sharciyeysan, ilaalinta xuquuqda bulshada, horumarinta cadaaladda, iyo xoojinta wada shaqeynta caalamiga ah ee la xiriirta arrimaha xuquuqul insaanka.

Wasiir Khadiijo Maxamed Al-Makhzoumi oo khudbad dhinacyo badan taabaneysa ka jeedisay madasha kulanka ayaa sheegtay in Soomaaliya ay sameysay horumar la taaban karo, inkastoo ay jireen caqabado amni iyo kuwo dhaqaale oo dalka soo maray. Waxay tilmaantay in dowladda Soomaaliya ay ku guuleysatay inay dib ula soo wareegto madax-bannaanida arrimaha xuquuqul insaanka, isla markaana la dhisay guddiga qaran ee xuquuqul insaanka oo door muhiim ah ka qaadan doona ilaalinta iyo dabagalka xuquuqda muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Wasiiraddu waxay sidoo kale carrabka ku adkeysay in dowladda Soomaaliya ay mudnaan gaar ah siisay ilaalinta xuquuqda haweenka, carruurta, dadka barakacayaasha ah, iyo bulshada nugul. Waxay sheegtay in sharciyo iyo siyaasado cusub la hirgeliyey si loo xoojiyo sinnaanta, cadaaladda, iyo ilaalinta xuquuqda aasaasiga ah ee muwaadiniinta. Waxaa kale oo ay xustay in dowladda Soomaaliya ay sare u qaaday dadaallada ku aaddan ka hortagga tacaddiyada, xoojinta nidaamka garsoorka, iyo taageeridda xorriyadda hadalka iyo ka qeybgalka bulshada.

Intii uu socday kulanka, wufuudda ka socotay 108-da dal ee xubnaha ka ah Qaramada Midoobay ayaa soo bandhigay talooyin iyo aragtiyo kala duwan oo ku saabsan warbixinta Soomaaliya. In ka badan 104 dowladood iyo hay’ado caalami ah ayaa si weyn u bogaadiyey horumarrada muuqda ee Soomaaliya ay ka sameysay dhinaca xuquuqul insaanka, iyagoo ku ammaanay dowladda dadaallada ay ku xoojineyso hay’adaha dowladnimada, ilaalinta xuquuqda bulshada, iyo dib-u-dhiska sharciyada dalka.

Wafdiga Soomaaliya ee kulanka ka qeybgalay ayaa waxaa qeyb ka ahaa xubno ka socday xafiisyada sare ee dowladda sida Xafiiska Madaxweynaha, Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Wasaaradda Cadaaladda, Xeer Ilaalinta Qaranka, iyo hay’ado kale oo dowladda ka tirsan. Xubnaha wafdiga ayaa si wadajir ah uga qeyb qaatay soo bandhigista warbixinta, iyagoo sharaxaad dheeraad ah ka bixiyey qorshayaasha dowladda ee ku aaddan horumarinta xuquuqul insaanka iyo hirgelinta talooyinka caalamiga ah.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa muujisay rajeyn weyn oo ku saabsan hirgelinta talooyinka kasoo baxay kulanka UPR, iyadoo tilmaamtay in marxaladdan cusub ay ka duwanaan doonto sanadihii hore. Dowladda ayaa sheegtay in heshiiskii ay la gashay Xafiiska Sare ee Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay (OHCHR) uu horseedi doono in si dhow loola socdo fulinta talooyinka iyo qorshayaasha la dejiyey. Heshiiskan ayaa sidoo kale suurtagelinaya in kormeerka, dabagalka iyo warbixinnada xuquuqul insaanka si rasmi ah looga hirgeliyo gudaha dalka Soomaaliya halkii ay ahaan jireen warbixinno dibadda laga diyaariyo.

Ugu dambeyntii, kulankan 52-aad ee dib-u-eegista caalamiga ah ee xuquuqul insaanka ayaa loo arkaa mid Soomaaliya u ah guul diblomaasiyadeed iyo mid muujinaysa horumarka dowladnimo ee dalka ka socda. Dowladda Soomaaliya ayaa markale beesha caalamka u xaqiijisay inay sii wadi doonto dadaallada lagu xoojinayo xuquuqda aadanaha, dhismaha hay’adaha dowliga ah, ilaalinta xorriyadaha shacabka, iyo horumarinta nidaam cadaalad ku dhisan oo waafaqsan shuruucda caalamiga ah.