Wasiir Koodax Oo Kormeer Ku tegay halka ay ka socoto diyaarinta natiijada Imtixaanaadka

Wasiirka Waxbarashada hiddaha iyo Tacliinta sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane; Cabdullaahi Goodax Barre, ayaa sheegay in ay shaqada Imtixaanaadka u socoto si habsami leh, isla markaana uu bogaadinayo howsha ay wadaan shaqaalaha Wasaaradda.

“Waxaan Maanta kormeeray xarunta ay ka socoto shaqada Imtixaankii la qaaday ee Sannad Dugsiyeedka 2018/2019 oo ay shaqaalaha wasaaraddu si habsami leh u wadaan dardargelinta shaqadii loo idmaday” ayuu yiri Wasiirku.

Sixidda Imtixaanka ayuu sheegay in uu soo maray wajiyo badan, isla markaana hadda uu taagan yahay heerkiisa gaba-gabada oo ah xareynta Imtixaanka la saxay, isagoo intaa raaciyay in dhowaan la shaacin doono natiijada.