Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo Daahfuray Barnaamij Lagu Kobcinayo Xirfadaha Diblomaasiyadda

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Maxamed Cali (Nadaara), ayaa si rasmi ah u daahfuray barnaamij tababar xirfadeed oo soconaya muddo afar toddobaad ah, kaas oo loogu talagalay in lagu xoojiyo aqoonta iyo xirfadaha diblomaasiyadeed ee saraakiisha dowladda.

Munaasabadda daahfurka waxaa sidoo kale ka qeyb galay Agaasimaha Machadka Daraasaadka Diblomaasiyadda ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Maxamed Guure, oo sheegay in tababarkan uu yahay qeyb ka mid ah dadaallada Wasaaraddu ku horumarinayso tayeynta shaqaalaha dowladda iyo kobcinta awoodda hay’adaha qaranka.

Tababarka waxaa ka faa’iideysanaya 40 masuul oo ka kala socda hay’adaha kala duwan ee dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaas oo ay ku jiraan Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, iyo hay’ado kale oo muhiim ah oo dowladda ka tirsan. Ka-qeybgalayaashu waxay muddada tababarka ku baran doonaan aqoon iyo xirfado sare oo la xiriira maamulka diblomaasiyadda iyo xiriirka caalamiga ah.

Barnaamijkan ayaa diiradda saaraya mowduucyo muhiim u ah shaqada diblomaasiyadda, sida xiriirka caalamiga ah, hab-maamuuska diblomaasiyadda, siyaasadda arrimaha dibadda ee Soomaaliya, farsamooyinka wada-xaajoodka, diyaarinta warbixinaha diblomaasiyadeed iyo matalaadda dalka ee shirarka iyo kulamada heer gobol iyo heer caalami.

Mas’uuliyiintii ka hadlay munaasabadda ayaa xusay in tababarkan uu ka tarjumayo sida ay Wasaaradda Arrimaha Dibadda uga go’an tahay dhismaha iyo tayeynta awoodda shaqaalaha dowladda, si loo helo saraakiil leh aqoon, xirfad iyo karti ay si hufan ugu meteli karaan Soomaaliya fagaarayaasha caalamiga ah, isla markaana u difaaci kara danaha qaranka.

Waxay sidoo kale tilmaameen in kobcinta xirfadaha diblomaasiyadeed ay door weyn ka qaadaneyso xoojinta xiriirka Soomaaliya ay la leedahay dalalka caalamka iyo hay’adaha caalamiga ah, iyadoo la dhisayo hannaan diblomaasiyadeed oo casri ah, waxtar leh, kana jawaabi kara isbeddellada ka jira siyaasadda iyo xiriirka caalamiga ah.

Barnaamijkan tababarka ah ayaa la filayaa inuu sare u qaado tayada shaqaalaha dowladda ee ka shaqeeya arrimaha dibadda iyo xiriirka caalamiga ah, isla markaana uu gacan ka geysto hirgelinta himilooyinka dowladda ee ku aaddan diblomaasiyad firfircoon, xirfadeysan, isla markaana si wax ku ool ah u hormarin karta sumcadda iyo danaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.