Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Maxamed Cali (Nadaara), ayaa maanta xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee magaalada Muqdisho ku qaabilay Danjiraha Jamhuuriyadda Yemen u fadhiya Soomaaliya, Mudane Fadhl Cali Axmed Al-Hanak.
Kulanka ayaa lagu gorfeeyay xaaladda guud ee xiriirka laba geesoodka ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Yemen, iyadoo labada dhinac ay isla qaateen muhiimadda ay leedahay sii xoojinta iskaashiga siyaasadeed, diblomaasiyadeed iyo kan horumarineed ee labada dal ee walaalaha ah.
Intii uu kulanku socday, Danjire Fadhl Cali Axmed Al-Hanak ayaa Wasiir Ku-xigeenka la wadaagay warbixin ku saabsan xaaladihii ugu dambeeyay ee ka taagan dalka Yemen, isagoo xusay dadaallada lagu doonayo in lagu soo celiyo nabadda iyo xasilloonida dalkaas. Waxa uu sidoo kale mar kale caddeeyay in dowladda Yemen ay si buuxda u garab taagan tahay xasilloonida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Danjiraha ayaa bogaadiyay mowqifka Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka qaadatay arrimaha Yemen intii lagu jiray fadhigii ugu dambeeyay ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, isagoo ku tilmaamay mid ka tarjumaya xiriirka walaaltinimo iyo taageerada joogtada ah ee ka dhaxeysa labada dal.
Dhankiisa, Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Xasan Maxamed Cali (Nadaara), ayaa adkeeyay in Soomaaliya ay qiimeyn weyn u hayso xiriirka taariikhiga ah ee qotada dheer ee kala dhexeeya Yemen. Waxa uu sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay garab taagan tahay dowladda sharciga ah iyo shacabka Yemen, isla markaana ay taageersan tahay dadaallada lagu xaqiijinayo nabadda, xasilloonida iyo dib u soo kabashada dalkaas.
Labada dhinac ayaa ugu dambeyn isla qaatay muhiimadda ay leedahay in la sii ballaariyo xiriirka laba geesoodka ah iyo iskaashiga dhinacyada kala duwan, iyadoo la xoojinayo wada shaqeynta diblomaasiyadeed, dhaqaalaha iyo arrimaha gobolka, si loo sii adkeeyo xiriirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Yemen.