Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdixakiim Ashkir, ayaa ka qaybgalay munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay oo ka dhacday caasimadda Muqdisho, taas oo lagu qabtay xil wareejinta Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka.
Munaasabaddan ayaa si rasmi ah xilka loogu kala wareejiyay Guddoomiyaha cusub ee Hay’adda, Mudane Liibaan Cabdi Cigaal, iyo Guddoomiyihii hore, Mudane Axmed Xuseen Cilmi, iyadoo ay goob joog ka ahaayeen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, saraakiil, iyo marti sharaf kale.
Mudane Cabdixakiim Ashkir oo khudbad ka jeediyay munaasabadda xil wareejinta ayaa si qoto dheer uga hadlay muhiimadda ay Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka u leedahay dalka, gaar ahaan xilligan ay jiraan caqabado la xiriira barakaca iyo xaaladaha bini’aadantinimo ee dalka ka jira. Wuxuu tilmaamay in hay’addu ay door muhiim ah ka qaadato daryeelka, ilaalinta iyo u adeegidda bulshada nugul ee qaxootiga iyo barakacayaasha, kuwaas oo u baahan taageero joogto ah iyo adeegyo tayo leh.
Wasiir Ku-xigeenka ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo joogteynta howlaha muhiimka ah ee hay’addu qabato, isagoo ku boorriyay hoggaanka cusub in ay xoojiyaan iskaashiga hay’adaha dowladda, ururrada samafalka, iyo saaxiibbada caalamka, si loo dardargeliyo adeegyada la gaarsiinayo dadka tabaaleysan. Wuxuu xusay in isla xisaabtanka, hufnaanta iyo daahfurnaanta ay yihiin tiirarka lagu kobcin karo kalsoonida bulshada iyo horumarinta hay’adda.
Dhankiisa, Wasiir Ashkir ayaa si gaar ah u bogaadiyay hoggaankii hore ee hay’adda, Mudane Axmed Xuseen Cilmi, isagoo ku ammaanay dadaalkii iyo shaqadii uu qabtay muddadii uu xilka hayay, taas oo uu sheegay in ay wax weyn ka tartay horumarinta howlaha hay’adda iyo u adeegidda bulshada ay mas’uulka ka tahay.
Ugu dambayn, Wasiir Ku-xigeenka ayaa u rajeeyay Guddoomiyaha cusub, Mudane Liibaan Cabdi Cigaal, guul iyo horumar shaqo, isaga oo ku dhiirrigeliyay in uu sii ambaqaado dadaallada lagu horumarinayo adeegyada hay’adda, lana gaarsiiyo bulshada u baahan gargaar iyo taageero.
Munaasabadda xil wareejinta ayaa ku soo dhammaatay jawi wanaagsan oo muujinaya isfaham, wada-shaqayn iyo rajo wanaagsan oo laga qabo mustaqbalka hay’adda iyo adeegyada ay u hayso shacabka Soomaaliyeed.