Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Qorshaynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha XFS,Maxamed Aadan Maxamed, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socday Hay’adda Cunnada Adduunka (WFP), oo uu hoggaaminayay Nicolas Joannic, Madaxa Barnaamijyada.
Kulanka ayaa lagu falanqeeyay hufnaanta iyo isla-xisaabtanka barnaamijyada horumarineed, iyadoo la eego warbixintii kormeerka natiijooyinka ee sanadkii hore iyo horumarka laga sameeyay hirgelinta talooyinkii la soo jeediyay.
WFP iyo Agaasimaha Waaxda Kormeerka iyo Qiimaynta, Maxamuud Siciid Nuur, ayaa warbixin dhamaystiran u gudbiyay Wasiir Ku-xigeenka, kaasoo bogaadiyay iskaashiga hay’adaha Qaramada Midoobay iyo dadaallada lagu xoojinayo isla-xisaabtanka.
Ugu dambayn, Wasiir Ku-xigeenka ayaa adkeeyay sida ay dowladda uga go’an tahay xoojinta iskaashiga hay’adaha caalamiga ah iyo hirgelinta barnaamijyada horumarineed si waafaqsan Qorshaha Isbeddelka Qaranka.