Dhuusamareeb- 20/December/2024.
Kulanka, oo ay soo qaban-qaabisay wasaaradda deegaanka iyo isbeddelka cimilada ee Galmudug, ayaa waxaa kasoo qayb galay masuuliyiin ka kala socday hay’adaha dowladda, ururrada bulshada rayidka ah, aqoonyahanno deegaanka, iyo wakiillo ka socda hay’adaha caalamiga ah ee ka shaqeeya arrimaha cimilada iyo deegaanka.
Mudane Shariif Barre oo khudbad ka jeediyay kulanka ayaa xusay in isbeddelka cimiladu si toos ah u saameeyay nolosha dadka xoolo-dhaqatada ah ee Galmudug, gaar ahaan dhanka helitaanka daaqa iyo biyaha. Wuxuu tilmaamay in wasaaraddu ay dadaal xooggan ku bixinayso sidii loo heli lahaa qorshayaal wax ku ool ah oo lagula tacaalo dhibaatooyinka la xiriira abaaraha, dhaxanta daran, iyo roobabka aan la saadaalin karin.
Wasiir kuxigeenka Shariif Barre ayaa sidoo kale sheegay in iskaashi dhow lagala leeyahay hay’adaha samafalka iyo kuwa deegaanka si loo hirgeliyo barnaamijyo dhir-beerin ah, ilaalinta kaymaha dabiiciga ah, iyo horumarinta xalalka waara ee la tacaalida cimilada isbeddeleysa.
Gabagabadii, kulanka ayaa lagu soo jeediyay talooyin muhiim ah oo ay kamid yihiin in la xoojiyo wacyigelinta bulshada, in la dhiso xarumo saadaasha cimilada, iyo in la dhiirrigeliyo hab-nololeedyo cusub oo u adkaysan kara isbedbedelka cimilada.
 
