Dhuusamareeb- 16 may 2025
Ujeeddada booqashada Wasiirka ayaa ahayd dhiirigelinta dadka xoolo-dhaqatada ah si ay u tixgeliyaan muhiimadda ay leedahay isku-darka tacbashada beeraha iyo dhaqashada xoolaha, gaar ahaan xilliyada abaarta iyo isbeddelka cimilada oo si weyn u saameeyay nolosha dadka reer miyiga ah.
Mudane Shariif Barre ayaa sheegay in mashruuca ceelka iyo beerta laga hirgeliyay Bidhaan Dheere uu yahay tusaale wanaagsan oo muujinaya sida xal waara loogu heli karo dhibaatooyinka deegaanka sida abaarta, biyo la’aanta, iyo yaraanta daaqa. Wuxuu intaas ku daray in wasaaraddu ay ku dhiirrigelinayso bulshada inay ka faa’iideystaan fursadaha dhulka wax lagu beeri karo, taasoo yareyn karta nuglaanta ay xoolo-dhaqatadu u leeyihiin isbeddelka cimilada.
“Waa muhiim in aynu is beddel ku sameyno hab-nololeedkeenna. Beeruhu waa fursad nabdoon oo lagu xoojin karo sugnaanta cunada iyo kobcinta dhaqaalaha bulshada,” ayuu yiri Wasiirka kuxigeenka.
Intii lagu guda jiray booqashada, Wasiirka ayaa sidoo kale la kulmay qaar ka mid ah beeraleyda deegaanka iyo dadkii ka faa’iideystay ceelka biyaha, kuwaas oo uga mahadceliyay taageerada iyo dhiirigelinta ay helayaan.
Booqashadan ayaa qeyb ka ah dadaallada ballaaran ee wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa Galmudug ay ku horumarinayso isku dhafka dhaqaalaha reer miyiga, iyada oo la tixraacayo deegaanka iyo baahiyaha nololeed ee ka jira gudaha dowlad-goboleedka.