Wasiir Kuxigeenka Xanaanada Xoolaha Shariif Barre oo Ardayda Qalinjabineysa Ku Booriyay Inay Doortaan Kuliyadaha Beeraha iyo Xoolaha

Dhuusamareeb – 4/Juun/2025:- Wasiir kuxigeenka wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa ee dowlad-goboleedka Galmudug, Mudane Shariif Barre, ayaa hadal dhiirigelin leh u jeediyay ardayda sanadkan qalinjabineysa ee dugsiyada sare, isagoo ku booriyay inay doortaan kuliyadaha la xiriira beeraha iyo xanaanada xoolaha marka ay jaamacadda galaan.

Wasiirka oo ka hadlayay munaasabad lagu maamuusayay ardayda qalinjabisay ayaa si gaar ah u xusay muhiimadda ay leedahay in dhalinyarada Galmudug ay kaalin weyn ka qaataan horumarinta dhaqaalaha deegaanka iyagoo u tababaranaya xirfadaha lagama maarmaanka u ah kobcinta waxsoosaarka beeraha iyo xoolaha – kuwaas oo ah laf-dhabarta nolosha iyo dhaqaalaha bulshada reer Galmudug.

“Waxaan idin ku dhiirigelinayaa in aad dookhiinna jaamacadeed u jeedisaan culuumta la xiriirta beeraha iyo xanaanada xoolaha. Galmudug waxay u baahan tahay aqoonyahanno deegaanka u taagan, dad karti u leh sidii loo horumarin lahaa ilaha nolosha ee aasaaska u ah jiritaankeena,” ayuu yiri Mudane Shariif Barre.

Wuxuu sidoo kale xusay in wasaaraddu ay qorshaynayso in ay la shaqeyso jaamacadaha iyo hay’adaha horumarinta si loo abuuro barnaamijyo aqooneed iyo tababbaro shaqo oo ku saleysan baahiyaha dhabta ah ee beeraleyda iyo xoolo-dhaqatada.

Hadalkan Wasiirka ayaa ku soo beegmaya xilli ay baahi weyn loo qabo kor u qaadista wacyiga dhallinyarada ee ku aaddan waxbarashada farsamada iyo xirfadaha la xiriira deegaanka, si loo helo jiil aqoon u leh sidii loo wajihi lahaa caqabadaha isbeddelka cimilada iyo hoos u dhaca wax-soo-saarka dabiiciga ah.