Wasiir Mukhtaar oo Khudbad ka jeediyay Shirka dalalka ku midoobay Ururka Iskaashiga Islaamka

Mudane Mukhtaar Mahad Daa’uud Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha dibadda Xukuumadda Soomaaliya  ayaa Khudbad ka jeediyay  shirka dalalka ku midoobay Ururka Iskaashiga Islaamka “OIC” kaasoo lagu qabtay  magaalada Dhaka ee dalka Bangaladesh.

Waxaa Shirkadda diirada lagu saaray arrinta Qaxootiga Muslimiinta Rohingya, waxaana uu  socday mudo labo maalin ah.

Mudane Mukhtaar Mahad Daa’uud ayaa khudbada uu ka jeediyay shirka 45-aad ee Wasiirada arrimaha dibada dalalka ku bahoobay Ururka Iskaashiga Islaamka “OIC” ee lagu soo gabagabeeyay magaalada Dhaka ku soo hadal qaaday Fatahaadii ugu danbeysay ee ka dhufatay dalka,taasi oo saameyn ku yaalatay magaalooyinka iyo tuulooyin badan oo ku yaalo koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya,wuxuuna carabka ku dhuftay in Fatahaada ay sababtay khasaaro isugu jira naf,maal iyo bur bur intaba.

Wasiirka ayaa shirka ka sheegay in Soomaaliya Horumaro dhinacyo badan leh ku tallaabsatay ka dib doorashadii 8-dii February ee sanadkii hore laguna doortay madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo magacaabista Ra’iisal Wasaaraaha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre,wuxuuna sheegay in Dowladda Xoogga saartay dhismaha Hay’adaha dastuuriga,dib u heshiisiinta,sidoo kalena waxay la dagaalantay Masuq maasuqa iyo Kooxaha argagixisada caalamiga ah.

Wasiir ku-xigeenka arrimaha dibada Xukuumadda Soomaaliya ayaa baaq u jeediyay Wadamada walaalaaha iney caawiyaan dadka ku sugan deegaanada ay Fatahaada saameysay.