Wasiir Muqtaar Roobow oo wado qorshayaal cadcad oo Shati loogu jaraayo Ruux kaste oo doonayo in uu faafinaya Diinta Islaamka, waa maxay Sababta.

Wasiirka Awqaafta Arinta Diinta xukuumada Soomaaliya Mukhtaar Roobow Abuu-Mansuur ayaa shaaca ka qaaday in dowladda Federalka Soomaaliya ay wado qorshayaal cadcad oo Shati loogu jarayo Ruux kaste oo doonayo in uu faafinaya Diinta Islaamka.

Wasiir Muqtaar Roobow  ayaa bixiyey wareysigii u horeeyay  tan iyo markii  RW Xasme u magacaabay xilka wasiirnimo asaga oo Maxbuus Wareysiga  ayuu siiyay wargeyka Caanka ah ee the Guardian ayaa tilmaamay in arinta Shati bixinta in lagu bilaabi doono  Imaamyada iyo Khadiinyada Masaajida iyo Macalimiinta Madarasooyinka Qur’aanka Kariimka.

Mr.Roobow oo mar soo noqday Amiir kuxigeenka kooxda argagixisada ah ee Al-Shababa ayaa arrintan hadafka laga leeyahay ku micneeyay in laga hortago faafinta fikradaha xagjirnimada.

Isagoo ka hadlayay aragtidiisa ciidanka Macwuusleyda ee Shabaab la dagaalamaya waxa uu la barbar dhigay kooxihii wax iska caabinta ee dalka Ciraaq ka saaray kooxda Daacish.

Wasiir Roobow ayaa aad u amaanay Dadka manata dagaalka kula jira kooxda Alshabaab sida Qabiilada Soomaaliyeed iyo Dhalinyarada leh hanka iyo dowlinimada, ayuu ugu baaqay in la joogo waqtigii la soo gabagabeyn lahaa xukunkooda xooga iyo dilka ku salaysan ayuu yiri Wasiir Muqtaar Rooboow.