Dowladda Soomaaliya ayaa markale dalbatay joojinta dagaal beeleedka Duleedka Magaalada Kismaayo ee Caasimadda KMG ah ee maamulka Jubbaland.
Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo duulista Hawadda Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomar ayaa sheegay in dowlada dhexe iyo guud ahaan bulshadda Soomaaliyeed ay dalbayaan in dagaalka la joojiyo.
Waxaa uu ugu baaqay dirirta sokeeye ee ka taagan duleeedka Kismaayo, in si deg-deg ah oo shuruud la’aan ah loo joojiyo colaadda iyo dhiigga macna la’aanta ku daadanaya ee beelaha walaala ah dhexmaraya.