Wasiir Tamarta oo kulan la yeeshay shirkadaha bixiya adeegga Biyaha ee magaalada Muqdisho

Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdillahi Bidhaan Warsame, ayaa kulan la qaatay shirkadaha bixiya adeegga biyaha ee magaalada Muqdisho.

Kulanka Wasiirka iyo Shirkadaha ayaa diiradda waxaa lagu saaray sidii ay magaalada Muqdisho iyo deegaanada ku xeeran u heli lahaayeen biyo nadiif ah, cafimaad qaba, qiimahoodu danyartu awoodi karaan, la’iskuna haleyn karo.

Wasiir Bidhaan ayaa sidoo kale xoojiyey ahmiyadda ay leedahay in shirkaduhu midoobaan, waxa uuna ku nuux nuuxsaday in Wasaaraddu ka taageeri doonto shirkadaha dhinaca xirfadaha iyo tababbarada si looga miradhaliyo in dadweynaha Soomaaliyeed helaan biyo ku filan oo nadiif ah. Sida lagu yiri qoraal ka soo baxay kulanka.

Shirkadaha bixiya adeegga biyaha magaalada Muqdisho ayaa bogaadiyey ka go’anaanshaha Wasaaradda ee la xiriira in dadweynuhu helaan biyo nadiif ah, caafimaadkoodana la hubo, waxa ayna ballan-qaadeen in ay ka shaqeyn doonaan in ay ugu dambeyntii noqdaan hal shirkad, taas oo awoodda ka gun-gaarista himilada iyo yoolasha loo socdo.