Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Ali Yusuf Ali Hosh, ayaa maanta kormeer ku tagay xaruntii dhexe ee Wasaaradda ee degmada Bondhere District, taas oo dib-u-dhiskeeda si buuxda loo soo gabagabeeyey, isla markaana la filayo in maalmaha soo socda si rasmi ah xarigga looga jaro.
Kormeerka Wasiirka ayaa waxaa ku weheliyay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Abdulqadir Elmi Abdul, iyagoo indha-indheyn ku sameeyay heerka ugu dambeeya ee diyaar-garowga xarunta cusub iyo howlaha lagu dhammeystirayo ka hor munaasabadda furitaanka.
Mas’uuliyiinta ayaa warbixin faahfaahsan ka dhageystay howlaha socda, kuwaas oo ay ka mid yihiin qorshaha u guurista xarunta cusub, dhireynta iyo bilicda deegaanka ku xeeran xarunta, qalabeynta xafiisyada iyo diyaarinta munaasabadda xarig-jarka. Sidoo kale, waxaa la xaqiijiyay in xaruntu ay diyaar u tahay inay dib u bilowdo adeegyada ay shacabka Soomaaliyeed u hayso.
Wasiir Cali Xoosh ayaa bogaadiyay dadaallada lagu soo afjaray dib-u-dhiska xarunta, isaga oo tilmaamay in xaruntan ay leedahay muhiimad taariikhi ah, maadaama ay tahay xaruntii dhexe ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo muddo dheer ka maqneyd adeeg bixinta shacabka sababo la xiriiray burburkii dalka.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya oo loo aqoonsan yahay hooyada wasaaradaha dalka, ayaa la filayaa inay 35 sano kadib dib ugu soo laabato xarunteedii taariikhiga ahayd ee Boondheere, taas oo ka mid ah qorshaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ee dib-u-dhiska iyo casriyeynta xarumaha hay’adaha dowladda.
Dib-u-howlgelinta xaruntan ayaa lagu tilmaamay tallaabo muhiim ah oo ka tarjumeysa horumarka ay dowladdu ka sameyneyso dib-u-dhiska kaabeyaasha dowliga ah, tayeynta adeegyada shacabka iyo soo celinta hay’adihii qaran ee burburku saameeyay. Dowladda Federaalka ayaa sidoo kale sheegtay in mashruucan uu qayb ka yahay aragtida Xukuumadda DanQaran ee lagu xoojinayo awoodda hay’adaha dowladda iyo kor u qaadista adeegyada dadweynaha.